DHAGEYSO:- Shacabkii Gobolka Gedo lagu laayay iyo Odayaashii aaday oo loogu hanjabay in la dili doono..

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeynta diyaaradaha Kenya ka geysteen deegaanka Wargadud ee gobolka Gedo.

Duqeyntan oo socotay ku dhawaad mudo 15 daqiiqo ah ayay saraakiisha militeriga Soomaaliya sheegeen in lala beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen AlShabaab.

Laakiin Warar laga naxo oo laga helayo deegaanka la duqeeyay ayaa sheegaya in shacab badan halkaas lagu laayay ayna kamid ahaayeen dadka la dilay Haween iyo caruur.

Arinta kale ee layaabka ah ayaa ah in odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka Gedo oo ku baxay deegaankaas si ay qasaaraha usoo arkaan lagu amray ineysan kusoo laaban karin guryahooda hadii ay soo laabtaana si xun loola dhaqmi doono, waxaana amarkaas bixiyay saraakiisha DFS  iyo kuwa Kenya ee duqeynta geystay.

Taliyaha ciidamada militeriga ee gobolka Gedo Col Cabaas Axmed Gurey ayaa sheegay inuu hubo in duqeyntaas lagu laayay ciidamo iyo saraakiil Shabaab ah.

Sidoo kale waxaa uu faah faahin ka bixiyay sababta ay odayaasha ugu amreen iney kuso laabtaan deegaanadooda.

Duqeynta ay ciidamada Kenya ka geystaan Gedo iyo deegaanada kale ee dalka ayaa lagu xasuuqaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-