DHAGEYSO:- Amar lagu soo rogay Xaasaska Al-Shabaab iyo go’aano Culus oo la soo saaray

0

Taliska Ciidamada Booliska  maamulka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa kusoo rogay Amaro xasaaska ay qabaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in xaasaska Al-Shabaab laga doonaayo in ay isa soo diwaan geliyaan.

Waxaa uu sheegay in jeedku uu yahay in la siiyo fariimo ku saabsan Amniga.

Taliyaha ayaa xusay in Al-Shabaab xaasaskooda aan loo ogolaadoonin ay Joogaan Magaalada Baydhabo iyaga oo aan diwaan gashanayn.

Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo ayuu sheegay taliye Mahad in laga bilaabi doono diwaan gelinta xaasaska Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-