DAAWO:- Kulan hada ka socda Xarunta Villa Hargeysa iyo Ra’isal Wasaaraha oo su aalo adag la weydiinayo

0

Waxaa Xarunta Villa Hargeysa ka soconaya Kulan Su’aalo lagu Weydiinayo Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kulanka ayaa Waxaa shir guddoominaayo Ku Simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka waxaa goobjog ka ah Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Xubnaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa su’aalo laga weydiinaya arrinta Ciidamada Qalabka Sida, ee ku aadan in laga dhigayo 18 kun oo askari, oo Qaranku uu yeelanayo. Arrintan oo dood kulul ay ka keeneen Xildhibaanada Baarlamaanka, ayay ka soo diyaariyen Mooshin.

Ra’iisal Wasaaraha oo fasiraad ka bixinayay arrintan, ayaa sheegay inuusan macnaheedu ahayn in 18 kun oo askari lagu soo koobo Ciidamada Qaranka, balse uu yahay in ugu yaraan 18 kun oo askari uu Qaranku leeyahay la dhiso.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa ku doodaya in fasiraad khaldan laga bixiyay qorshaha dib u dhiska ee Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, C/rashiid C/laahi Maxamed oo sidoo kale ka qaybgelaya shirkan, ayaa isna lagu wadaa in su’aalo laga weydiiyo qorshaha uu murunka hareereeyay.

Xildhibaanada diidan qorshahan, ayaa sheegay in la doonayo in lala taggo shirka London, xilli sida ay sheegeen uu liddi ku yahay qaranimada iyo madaxbannaanida Somaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-