Ciidamada Dowladda oo qabtay Caruurta Odayaal Al-Shabaab ku biiray

0

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegay in qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolkaas ay ku biireen Al-shabaab isla markaana ay hadda ku sugan yihiin Deegaanka Wargaduud oo Al-Shabaab ay maamulaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo Gobolka Gedo ku sugan ayaa waxaana uu tilmaamay in odayaashu ay halkaas u aadeen sidii ay Al-shabaab dhibta gaartay ay uga soo tacsiyeen lahaayeen Maadaama deegaankaas dhawaan ay duqeyeen Diyaarado dagaal.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Sargaalkan Dowlada Ka tirsan in Odayaasha Wargaduud aaaday ay yihiin odayaal horaba uga tiraanaa Ururka A-shabaab isagoona intaas ku daray inay gacanta ku hayaan caruurtii ay dhaleen Odayaashaas Al-Shabaab aaday.