XOG WARAN:- Wada-hadaladii Galmudug iyo Ahlusunna oo u muuqda kuwo Fashilmay, SABABTA OGOW

0

Wada-hadalkii Magaalada Muqdisho uga Furmi lahaa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa lagu waday in la soo gaba gabeeyo 24-kii Bishaan oo ku Ekeyd Xalay Saq-dhexe,balse ma dhicin wax wada hadal ah oo dhexmaray Labada Dhinac.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed ayaa sheegay in wada-hadalka in ay qabsoomaan ay ka suuro geli weysay dhanka Maamulka Ahlusunna.

Wasiir Taardhuleed ayaa sheegay in Galmudug ay Go’aan ku gaari doonto in ay guda gasho Doorashada Madaxweynaha Galmudug si loo sii wado Shaqada loo hayo Dadka ku abtirsada Galmudug.

Wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusunna ayaa waxaa Garwadeen ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Dowladda iyo Galmudug ay horay ugu Heshiiyeen in Doorashada Madaxweyne ee Galmudug ay dhacdo 30-ka Bishaan.