WAR DEG DEG:- Puntland oo ku Dhawaaqday Fariin deg deg ah

0

Maamulka Puntland ayaa soo saaray digniin la xiriirta waxyeellada ka dhalan karta roob la filayo in uu ka curto degaannada Maamulkaas.

Hay’adda saadaasha Hawada Puntland ayaa sheegtay in Roob xoog leh la filayo in uu ka do’o degaannada Puntland, waxayna ugu baaqeen dadweynaha in ay ka baxaan meelaha godan iyo Togaga ay biyuhu maraan, maadaama Saadaaliyaasha Roobku ay sheegayaan in roobab Mahiigan ah ay di’i karaan saacadaha soo socda.

Hay’adda ka hortaga Musiibooyinka & Badbaada ee HADMA ayaa sheegtay in ay hayaan Saadalin ku aadan roobab xoog leh oo ka curan doona saacadaha soo socda Puntland, Haddii Allaah Idmo.

Agaasimaha Hay’addan HADMA Cabdullaahi Xaashi Ceyrow ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay Dadweynuhu ka durkaan goobaha Biyuhu maraan.

Abaaro baahsan ayaa ku dhuftay Soomaaliya oo dhan, waxaana Abaarahaas ay sababeen in ay Kumanaan Qoys ku xoolo beeleen,  isla markaasna ay hadda dadkaasi ku jiraan meel kasta oo ay maciin bidiyaan.