UK Oo Xayiraaddii Dhinaca Socdaalka Ka Qaaday Xaafadda Islii Ee Ay Dadka Soomaalida Ku Ganacsadaan

0

Hadal qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Briian ku leedahay magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay in Xaafadda Islii laga saaray goobaha horey  Muwaadiniinta British-ka looga digay inay booqdaan

Xaafadda Islii oo lagu naanayso Muqdisho Yareey waxaa ku nool, kuna ganacsada Dadka Soomaalida ee looga tiro badan yahay dalka Kenya, waxaana ku yaalla Goobo Ganacsi iyo Hodheelo Casri ah.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Britain ee magaalladda Nairobi waxaa kaloo  lagu sheegay inuusan waxba iska bedelin Digniintii Dowladda UK ee cabsida lag qabo Weeraro ay Dagaalamayaasha Alsshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Waxaa kaloo Muwaadiniinta British-ka loo sheegay inay xor u yihiin inay qaataan Go’aanadooda dhinaca Socdaalka ee dalka Kenya.

Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-soorank ee dalka UK ayaa ka digay inay Muwaadiniinta Britishka ee booqanayo Kenya inaysan u socdaalin Deegaanadda  60-KM u jirta Xuduudka Kenya iyo Somalia, gaar ahaan magaallooyinka Garissa, Laamu, Jesiiradaha Lamu iyo Manda iyoDeegaanadda Webiga Tana River.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Dowladda Uk aad uga walaacsan tahay Cabsida Weeraradda ka imaanayo Kooxaha xiriirka la leh Alshabaab, kuwaasi oo ka so ohorjeeda Hawlgalka Milliteri ee ay Ciiddanka Kenya ka wdaan gudaha dalka Somalia.