TOP DHAGEYSO:- War cusub oo Soomaalida Koonfur Afrika ku saabsan

0

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Koonfur Afrika Danjire Jamaal Maxamed Barow ayaa ka hadlay dilalka Soomaalida loogu geysto dalkaasi iyo sababaha keenay.

Waxa uu sheegay Soomaalida ugu badan ee lagu dilay Koonfur Afrika dilalkooda in uu ka dhacay Gobolka Western Cape, wuxuuna sheegay arrintan in aysan aheyn mid loo dulqaadan karro, loona baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto.

Danjire Barow waxa uu sheegay muhiim in ay tahay in la sameeyo olole wacyi gelin ah, iyada oo la adeegsanayo warbaahinta iyo dadka Soomaaliyeed in ay adeegsadaan midnimadooda.

Jamaal Maxamed Barow Safiirka Soomaaliya ee wadanka Koonfur Afrika ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika waxa uu ugu baaqay in ay iskaashadaan kana digtoonaadaan cadowgooda.

Burcad Madow oo Koonfur Afrikan ah ayaa dilal waxa ay u geystaan Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyaga oo ujeedadooda ay tahay in ay dhacaan goobaha Ganacsi ee ay leeyihiin Soomaalida, waxaana socda dadaalo wax looga qabanayo arrimahaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO