TOP DHAGEYSO:- Sare u kac ku yimid Qiimaha Qudaarta

0

Sare u kac weyn oo dhinaca Qudaarta ah ayaa laga dareemayaa suuqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa suuqyada.

Sare u kaca iyo Qimo kororka ku yimid sicirka Qudaarta ee suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe si aad ah loo dareemayay.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqa wax kala iibsiga suuqyada, inkastoo ay sare u kaceen Qudaarta nuucyadeeda kala duwan ayaa hadana waxaa si weyn loo dareemayaa Qiimo kororka ku yimid Yaanyada.

Sare u kaca ku yimid Qiimaha Qudaarta ayaa Ganacsatada waxa ay ku micneeyeen Abaarta ka jirta dalka iyo Roobabka oo aan ka Di’in qaar ka tirsan Gobolada dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO