TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Dil lagu heystay Ilaaladiisa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulan gaar ah la qaatay qoyskii marxuum Tahliil Jimcaale Hubanne oo habeenkii Isniinta soo galeysey ee 23-kii April 2017 ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad uga murugooday markii uu maqlay in marxuum Tahliil uu shil gaari ah awgiis uu u geeriyooday. Tahliil Jimcaale Hubanne ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta, ahaana shaqsi howl-kar ah, bulshadu jeceshahay, daacad ah, wadani ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Eng. Yarisow ayaa qoyska la kulmay ugana tacsiyeeyey geeridii naxdinta laheyd, una ballanqaaday qoyska in xaquuqdii marxuumka ay qoyska heli doonaan.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa ka hadlay kulanka ay la qaateen Qoyska Marxuumka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u ballanqaaday in Dowladda iyo shacabka ay si dhow u wada shaqeynayaan, iyadoo dowladdu ay u gurman doonto shacabka Soomaaliyeed, kulanka maantana uu ka tarjumayo fulinta ballanqaadka Madaxweynaha ee ahaa inuu shacabka la murugoonayo, la xanuunsanayo, diyaarna u yahay inuu u gargaaro si dalka loo gaarsiiyo nabad, amni, kala danbeyn, bash-bash iyo barwaaqo.

HALKAAN KA DHAGEYSO