Shan ruux oo ku geeriyootay Degmada Jalalaqsi

0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Shan ruux ay ku geeriyoodeen deegaano hoostagga Degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen Maamulka Degmada Jalalaqsi.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow(Ganey) ayaa sheegay in meel ku dhaw degmadaasi sida Raasow, Baqdaad iyo tuulooyin kale ay 5 qof baahi iyo macluul ugu dhinteen.

Gudoomiyaha waxaa uu sidoo kale ka hadlay in dadka qaar ay gateen cowska mudullada ay deganaayeen si ay nolol uga helaan, taasi oo sida uu sheegay ku tusineysa heerka baahida halkaasi ka jirta.

“Jalalaqsi waa magaalo ka mida magaalooyinka Hiiraan,waa degmo degmooyinka Hiiraan ka mida haada wixii ka horreeyay oo aan Hirshabeelle la sameynin waxaan ahayn dad go’doon ah waxaan ahayn degmo go’doonsan oo dowladdii hore aan waxba u qaban, hadda waxaan rajaynaynaa in Hirshabeelle iyo xaaladda jirta aan ku guuleysanno rajada aad ayay u fiicantahay .” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Gudoomiyaha waxaa uu intaasi ku daray warkiisa in magaalada ay tahay nabad aan nolol heysan, isaga oo intaa raaciyay in dadka ay qarka u saaran yihiin in ay u qaxaan magaalada Muqdisho iyo goobo kale.

“Degmada way horumartay suuqyadii waan u dhisnay degmadii xafiisyada waan dhisnay garoonkii ciyaaraha waan dhisnay saldhiggii waan dhisnay, balse hadda waxaa nagu habsaday abaarahaan aadka u daba dheeraaday .” Ayuu warkiisa raaciyay Gudoomiyaha

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Jalalaqsi Maxamed Fiidow, waxa uu dhaliilay dowladdii Xasan Sheekh isaga oo wax fiican ka rajeynaya maamulka cusub ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.