Maxkamadda Ciidanka oo Askari kale saaka ku toogatay Baydhaba

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah waxa ay ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Askarigan ayaa horay u dilay Marxuum la odhan jiray Qaasim Cabdiyow Xaaji Keerow, wuxuuna dhaawacay laba caruur ah oo uu dhalay marxuumka geeriyooday kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cali Qaasim Cabdiyow Iyo Cabdulaahi Qaasim Cabdiyow ,iyadoo falkaasi uu ka dhacay Magaalada Buurhakabo ee Gobolka Baay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somaliya Dhame Muumin Xuseen Cabdulaahi, ayaa ka sheegay madashii toogashad ay ka dhacday in dambiilaha uu galay falkii lagu soo eedeeyay maxkamadana la hor keenay cadeymo iyo marqaatiyo.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay markii maxkamada la hor keenay cadeymahaasi in maxkamada ay xukun dil ah ku riday Dhame Cali Guurow Maxamed oo Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ka tirsanaa, iyadoo xukunkii lagu riday saaka lagu fuliyay.

Shalay ayeey aheyd markii Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay lagu toogtay afar ruux oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen qaraxyo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta maxkamada ciidamada qalabka sida Darajada Koowaad oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa qaadaya xukunada kala duwan ee lagu ridaayo askarta iyo xubnaha Shabaabka lagu eedeeyay ee xabsiyada ku jira.