Marekanka oo u sababeeyay weerarrada burcad badeeda ee dib usoo noqday abaarta iyo macaluusha ka jirta Soomaaliya

0

Marekanka oo qayb ka ah dalalka dagaalka kula jira kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ayaa sabab uga digay waxyaabaha dib usoo celisay weerarrada inay ugu horreeyso abaarta iyo macaluusha ka jirta Soomaaliya.

Ilaa lix weerar ayaa la sheegay inay geysteen kooxaha burcad badeeda Soomaaliya,kaliya bishii hore,sida u sheegay taliyaha ciidammadda Maraykanka ee Afrika fadhigoodu yahay Jeneraal Thomas Waldhauser.

Jeneraal Waldhauser ayaa haddalkan sheegay ka dib markii wasiirka difaaca ee Maraykanka Jim Mattis uu booqday saldhigga milatari ee Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti.

Mattis ayaa sheegay in ay la socdaan falalka burcadbadeedka balse uusan filaynin in milatariga Maraykanku ay jawaab ka bixiyaan.

Burcad badeeda ayaa sanadkii 2011 waxaa ay fuliyeen weerarrada ugu badnaa,laakin markii dambe hoos ayay u dhaceen ilaa ay gabi ahaanba istaageen, ka ddib markii la xoojiyay ciidammad badda gaafwareega iyo shirkaddaha maraakiibka oo sare u qaaday talaabooyinka ammaan maraakiibtooda.