Khilaaf Xoogan oo soo kala dhex galay Al-shabaab iyo Dagaal ku dhex maray Jubbooyinka

0

Sida laga soo xigtay Sirdoonka dowlada Kenya waxaa Gobollada Jubbooyinka ku dagaalamay Maleeshiyaadka Al­shabaab ee ka howlgala Jubbooyinka.

Dagaalka Maleeshiyada oo ahaa mid aad u xoogan isla markaana leysku adeegsaday Hubka culus ayaa waxa uu ka dhashay aragti ku aadan in lagu biiro Daacish ama laga sii mid ahaado Al­qaacida.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in iminka Al­shabaabka Jubbooyinka ay u kala jabeen laba garab isla markaana garabka ugu badan ay taabacsan yihiin Horjoogaha Kooxda ee Gobolada Jubbooyinka Abu Cabdalla oo aad kaga soo horjeeda in lagu biiro Daacish.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Al­shabaab uu sababi karo in qaarkood ay usoo jabaan Kenya iyagoo badbaado ka raadinaaya.

Hogaamiyeyaal ka tirsan Al­shabaab ayaa doonaya in laga sii mid noqdo Al­qaacida, halka kuwa kalana ay doonayaan inay la bahooban kooxda Dacish ee gabalkooda sii dhacaaya.

Dagaalka iyo Khilaafka ka dhex taagan Maleeshiyada Al­shabaab ayaa noqonaaya kii Seddexaad oo dhexmara Kooxda.