Gudoomiye Ku xigeenada G/Banaadir oo xilalkooda la wareegaya

0

Waxaa maanta lagu wadaa in ay xilalka la wareegaan Guddoomiye ku xigeenada cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo xoghayaha Guud ee Gobolka oo dhamaan shalay la magacaabay.

Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galaya Guddoomiye Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Masuuliyiinta shalay la Magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin 4 Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha Guud ee Gobolka, 5-ta Masuul ee la magacaabay 2 ka mid ah waa Dumar.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada waxaa loo magacaabay Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir waxeyna badashay Imaaciil Macalin Cabdi Guure.

Gudoomiye Ku xigeenka amniga iyo Siyaasada waxaa loo magacaabay Saalax Sheekh Maxamed waxa uu badalay Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Gudoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada waxaa loo Magacaabay Cllaahi Xaaji Ereg, waxaana lagu badalay Iimaan Nuur Iikar oo mudo Todobo sano ku siman xilkaasi soo hayay.

Gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka waxaa loo magacaabay Aadan Sheekh Cali, Waxaana xilkaan horay u haayay C/Casiis Xalane oo hada ka mid noqdo Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo magacaabay Marwo Subeyda Maxamed Mukhtaar, Waxaana lagu badalay Maxamed Amiin.