FAO oo markale ka hadashay Abaaraha

0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Beeraha ee FAO ayaa markale ku baaqday in wax laga qabto Abaaraha ka jira wadamada Nigeria, Somalila, Sudan iyo Yemen, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo duunyada ee ku nool dalalkaasi.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO José Graziano da Silva ayaa sheegay Abaartu in ay saameysay 20 Milyan oo Qof, wuxuuna ka digay in Abaarta ay isku bedeshay macluul aad u daran.

“Hadii aan si dhaqsi leh wax loogu qaban 20 Milyan oo Qof, kuwaasi oo ku kala nool dalalka Nigeria, Somalila, Sudan iyo Yemen, waxa ay halis ugu jiraan dhimasho, waa muhiim in gar gaar deg deg ah loo sameeyo.” Ayuu yiri Da Silva.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO ayaa Golaha FAO waxa uu ku booriyay in ay ansixiyaan Barnaamijka shaqada iyo Miisaaniyadda, si wax loogu dadka Abaaraha ay saameeyeen.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO José Graziano da Silva ayaa ka digay in Kumanaan Qof ay qarka u saaran yihiin Geeri, oo ay wajahayaan cunno yari daran, waxaana uu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadkaasi.