FALANQEYN XASAASI AH:- Dawladda Faderaalka oo khilaafka Ankara & Dubia ka faa’iidey?

0

Dadka Siyaasadda sida dhaw ula socda ayaa rumeysan in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay ka faa’iidey Is heysiga siyaasadeed iyo tartanka ganacsi ee ka dhaxeeya wadamada Turkiga & Imaaraatka Carabta oo ciyaaraya talaabooyinkii ugu waa weynaa.

Labadan dal ma fiicna xariirkooda siyaasadeed, waxaana sidaas oo kale ay si adag iskugu hayaan qadiyadaha wadamada Carbeed qaarkood, gaar ahaana kuwa salka ku haya arrimaha dagaalada ka socda wadamada Carbeed.

Dawladda Turkigu waxay gacan qabasho buuxda ka heshay si ay u soo gasho Soomaaliya Xukuumadihii ay kala hogaamiyeen Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku taageereen Malaayiin Dollar.

Abaartii ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya 2011-kii waxay Turkiga uga heleen Soomaalida taageero buuxda, markii Madaxweynaha dalkaas Rejeb Dayib Ordagan uu ku tagay magaalada Muqdisho oo ay adkeyd in ay Hogaamiyaasha Caalamku booqdaan.

Xiligaas wixii ka dambeeyey Shirkadaha Ganacsiga ee Turkigu waxay ku soo deg degeen maalgashiga Soomaaliya, waxay la wareegeen Dekeda & Garoonka Muqdisho oo ay hadda gacanta ku hayaan, taas oo aan farxad galin wadanka Imaaraatka Carabta.

Dawladda Imaaraatku waxay xooga dhinaceeda saartay sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd soo bixitaanka Hogaamiyaal taageersan, gaar ahaana doorashadii Madaxweyne-nimada ee dhacday horaantii sannadkan, laakiin guuldarro siyaasaded ayay la kulantay.

Xukuumada DUBIA waxay heshiisyo waa weyn oo dhanka Maalgashiga ah kana sareeya kuwa Turkiga la saxiixatay Puntland & Somaliland, taas oo ka dhigtay mid ka saameyn bata.

Dawladda Soomaaliya labada dhinacba waxay ka heshay lacag ku aadan arrimaha maalgashiga caalamiga ah, gaar ahaana dhanka Maaliyada oo ay lacag badan ka heshay labada dhinac.

Wasiiru dowladaha Maaliyada ee dawladda Soomaaliya Maxamuud Xayir ayaa gudoomay aduun gaaraya 8 Malyan oo Dollar, taas oo wax looga qabanayo Arrimaha Miisaaniyada guud ee dawladda Faderaalka.

Ilaa hadda dawladda Faderaalka ayaa ka faa’iidey is heysiga labada dhinac, waxaana sida muuqata ay noqotay arrin xasaasi ah oo laga ogaanayo dawladdu sidda ay labadaas dal siyaasadooda ay ka leeyihiin Soomaaliya iskugu ilaaliso.