DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Madaxda Galmudug oo ku Hanjabay inay si Deg deg ah uga tagayaan Muqdisho iyo Xiisada Ahlu sunna iyo Galmudug oo…..

0

Maamul goboleedka Galmudug State ayaa ku hanjabay iney si deg deg ah uga tagi doonaan magaaladda Muqdisho si ay ubilaabaan doorashada madaxweynaha maamulkaas.

Go’aankaas ayaa yimid kadib markii lagu guul dareystay wadahadalkii Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Galmudug uga soconayay magaaladda Muqdisho.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Galmudug State Cismaan Ciise Nuur ayaa sheegay in hadii dowladda Soomaaliya ay war rasmi ah a keeni weyso go’aanka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku laaban doonaan magaaladda Cadaado.

“Hadii manta aanan la helin wax xal ah, waxaan deg deg uga laabaneynaa magaaladda Cadaado, doorashada ayaana bilaabeynaa” ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in mudo hal bil ah dib loo dhigo doorashada Galmudug, si heshiis looga gaaro muranka Ahlu Sunna, laakiin mudadaas ayaa waxaa ay ku egtahay manta.\

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA