DHAGEYSO:- Odayaal Beledweyne ku xeran iyo Maamulka oo sheegay inay Shuruud ku xeran tahay in la sii daayo

0

Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen inaan la sii deyn doonin Odayaal dhaqameed ku xiran Magaaladaasi, inta laga keenayo Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo Qof shacab ah dilay.

Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne Maxamed Ibraahin Food Cadde ayaa sheegay in Odayaal dhaqameed ku heyb ah Aksari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Qof shacab ah ku dilay Magaalada Beledweyne ay hada u xiran yihiin dilkaasi, maadaama uu sheegay in ay qarinayaan Askariga.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in Odayaashan ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa laga keeno Askariga, wuxuuna tilmaamay in lagu raadjoogo oo gacanta lagu soo dhigi doono.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maalin ka hor waxa ay xabsiga dhigeen tiro Odayaal ah oo hal beel ka soo wada jeeda, islamarkaana loo haysto inay keenaan Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo la hayb ah Odayaasha kaasi oo dil ka gaystay Magaalada Baledweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO