CADEYN:- Masuul uu Farmaajo xilka ka qaadi rabo oo Facebook Masuuliyiin kale ugu sheegay inay Alaabtooda aruursadaan

0

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa baaq u diray Guddoomiyayaasha isaga la mid ka ah ee sugaya in xilka qaadis lagu sameeyo dhawaan.

Guddoomiye Axmed Cismaan Dhoorre,ayaa bartiisa Facebook-gga ku soo qoray farriin uu ku muujinayay in isaga iyo saaxiibada la mid ka ah ee Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir xilka laga qaadayo.

Waxaa uu farriintiisa ku yiri sida” ARAGNAY IFAFAALAHEE ALAABTA MAAD ARUURSAAN?“,Farriintan ayaa u muuqata mid uu u dirayo Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee sugaya xilka qaadista.

Shalay ayey ahayd kaddib markii xilka laga wadaqaaday Maamulkii Gobolka Banaadir gaar ahaan ku xigeennada iyo xogheyntii Gobolka iyada oo guddoomiyihiina horay looga qaaday.

Dowlad kasta oo ka dhalata Soomaaliya waxaa ay meesha ka saartaa Maamulka kaga horreeyay Gobolka Banaadir,waxaana Axmed Dhoorre iyo 16-ka Guddoomiye kale ay filayaan kuwaas oo iyagaba ku yimid dowladdii hore ee Xasan Sheekh oo markii uu talada la wareegay xilka ka wada qaaday Guddoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka una dhiibay kuwa hadda xil ka qaadista sugaya.