AKHRISO:- USA iyo Midowga Afrika oo ka hadlay Amniga Soomaaliya

0

Taliyaha Ciidanka Mareykanka iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa waxa ay ka hadleen Ciidamada dhowaan Dowladda Mareykanka ay u soo dirtay Soomaaliya iyo Amniga guud ee Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen Ciidamadaas in aysan aheyn kuwo wax ka bedelaya Istiraatiijiyada dhinac amniga, balse ay yihiin Tababarayaal Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ka caawinaya dhanka Tababarada.

Sidoo kale waxa ay sheegeen hadafkooda in uu yahay sidii Soomaaliya ay ula wareegi laheyd Amnigeeda 2020-ka, ama 2021-ka, xilligaasi oo la filayo in ay dhacdo Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay 2018-ka in ay bilaabayaan ka bixista Soomaaliya, si Ciidamada Soomaaliya ay ula wareegaan Amniga.

Ciidamo 28,000 ah oo ka tirsan AMISOM ayaa hada ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo ilaaliya Madaxda Dowladda Federaalka, iyaga oo sidoo kale Dagaal kula jira Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan goobaha ugu waa weyn ee dalka, sida in ay ilaaliyaan Amniga Dekaddaha, Garoomada Diyaaradaha iyo meelo kale.