AKHRISO:- Diyaarado Gantaalo ku Garaacay Gedo iyo Wararkii ugu dambeeyay

0

Wararka ka imaanaya Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay Diyaarado Dagaal ay Duqeeyeen,waxaana halkaas la sheegay in Saldhigyo ay ku lahaayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dhowr Gantaal ay Diyaaradahu ku dhufteen Goobo la sheegay in ay joogeen Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Diyaaradaha Duqeynta Fuliyay ayaan la ogeyn illaa hadda Wadanka laga leeyahay,waxaana sidoo kale Adag in Xog laha gelo Khasaaraha ka dhashay Duqeynta Maadaama Shabaab ay Gacanta ku hayaan Goobta Weerarka Duqeynta ah lagu waaday.

Degaanlka War-gaduud ayaa 50 KM u jira Degaanka Ceel-cadde oo Sanad ka hor ay Al-shabaab ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah.