TOP NEWS:- Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu-Suna oo qarka usaaran iney burburaan

0

Magaalada Muqdisho waxaa wali ku sugan wufuud ka kala socoto Maamulada galmudug iyo ahlu-suna oo uyimid ka qeybgalka wadahdaalo ay garwadeen ka tahay dowladda dhexe.

Saraakiil ka kala tirsan labada Maamul oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay ineysan bilaaban wali wadahadalada isla mar ahaantaasina aysan ogeyn xiliga rasmi ahaan ay bilaabanayaan.

Jadwal ay si wadajir ah usoo saareen Dowladda federalka Somaliya iyo Galmudug ayaa la iskula gartay in la wadahadlo 14 maalin oo ka bilaabaneysa 10-bishan April ilaa iyo maanta oo 24 taariikhdu tahay, balse waxba kama dhaqan galin heshiiskaas.

14-kaas maalin ayey eheyd in todobo kamid ah la wada hadlo halka todobada kalena lagu dhaqan galiyo waxyaabaha ay ku heshiiyaan labada dhinac ee wada hadleysa.

Waxaa hada muuqaneysa ifafaalo ah inuu jirayo dib udhac ku imanayo watqigii lagu balamay iney qabsoonto doorashada Madaxweynaha cusub ee galmudug oo loo qoondeeyay 30-ka bishan oo ku asteysan maalinimada Axada ah ee soo socota.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Xildhibaan Maxamed xasan geelle ayaa dhacdo.com usheegay ineysan dib udheceynin xiligii lagu balamay doorashada, taas badalkeed ayuu sheegay in dib loo dhigayo wadahadalka maadaama aan wali la guda galin.

Saraakiisha Ahlu-Suna ayaa iyaguna dhankooda sheegay ineysan wali la kulmin Madaxda Federalka oo ay eheyd iney wax isla meel dhigaan ka hor inta aysan la fariisan Galmudug.

Waxa ay ku sheegeen kulankii ay la qaateen Todobaadkii hore Madaxeyne Farmaajo inuu ahaa oo kaliya mid casho ah oo aysan arimo siyaasadeed guda galin kulanka intii uu socday.

Dowladda somaliya ayaa wada hadalsiinta Dhinacyada isku haya talada deegaanada Galmudug uxilsaaratay wasiirada Arimaha Gudaha iyo Dibeda kuwaas oo hada ku mashquulsan howlaha xafiisyadooda.

Dadka odorosa Siyaasada ayaa sheegaya ineysan suura gal ku noqoneyn in lix cisho gudeheed lagu diyaariyo doorasho madaxweyne maadaama ay ka horeyso howlo ay kamid yihiin sameynta Guddi doorasho, diyaarinta goobta doorashada, helista Ciidan Amisom ah oo amniga xaqiijiyo iyo soo bandhigista shuruudaha musharixiinta.

Hadii dib loo dhigo doorashada ayaa waxaa suura gal ah iney iska diidaan Galmudug maadama ay laba jeer oo hore dib uga dhacday waqti ay qabsadeen si loo qabto doorasho Madaxweyne, halka hadii wada hadalka dib loo dhigo oo doorashada la isku diyaariyo ay adkaan doonto sidii arinkaas loogu qancin lahaa Maamulka Ahlu-Suna.

Musharixiinta uhanqaltaageysa xilka Madaxtinimo ayaa iyagu aad uga walaacsan dib udhacyadan xargaha goostay ee hareeyay doorashada Madaxweynaha Galmudug.