Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Sargaal sare oo ka tirsan Dowladda oo lagu dilay Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar qorsheysanaa oo Maanta lagu dilay Sargaal sare oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sargaalka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Cali Afweyn waxaana kooxda dishay ay ku rasaaseeyeen Maqaaxi uu fadhiyay Sargaalkaasi.

Dilalka qorsheysan ee Lagu bartilmaameedsado askarta iyo saraakiisha Dowlada Federaalka ayaa Maalmihii u dambeeyay waxaa ay ku soo badanayeen Magaalada Muqdisho.