DHAGEYSO DOOD KULUL:- Wax ka beddelidda nidaamka shaqo bixinta ee dowladdu muxuu ka tari karaa shaqo la’aant jirta ?..

0

Shaqo la’aan ama Baagamuundo waa helid la’aanta fursad shaqo uu heli waayo qof shaqayn kara hadana raba oo raadinaya hadana an helaynin, qeexidaas waxaa laga qaadanayaa qof walba oon shaqo haynin inuusan shaqo la’aan ahayn, ArdaydacuuryaankawaayeelkaHawlgabka, iyo Hodanka ka maarmay shaqo oo dhan lama raacinayo inay shaqo la’aan ama baagamuundo yihiin.

Ereyga ayaa la socday soo if-bixii horumarka warshadaha, sababtoo ah baadiyaha lagama adeegsado ereygaan Shaqo la’aanta mana sameeyo macno gaar ah, wadamo badan oo kala dhaca qaaradaha dunida ayaa dadkoodu ay shaqo la’aan yihiin kaliya ma ahan kuwa soo korayo ama dunida saddexaad lasku yiraahdo xitaa waxaa ku jira wadamadda horumaray sida Mareykanka iyo kuwa kale si taasi la mid ah ama mararka qaar ka xoogan Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamadda ay muwaadiniintooda qeyb badan oo ka mid ah ay shaqo la’aan yihiin.

Sababo badan ayaa loo xagliyaa in ay shaqo la ‘aanta keentay la’aanta nidaam xoogan oo dadka shaqo u abuura,Tayadda waxbarasha ,iyo ku howlanaan badan oo dhanka wax soo saarka oo aanan jirin sidaasi oo ay tahay dadku waa ay shaqeeyaan haddana in badan oo  ka mid ah ma heystaan shaqo.

Marka ay shaqo la’aanta badato waxaa yimaado dhibaatooyin dalka iyo dadka waxyeelo aanan wanaagsaneyn soo gaarsiiya sida maanta naheysato oo kale,mahdhooyinka aanan fiicneyn ee shaqo la’aanta sababtay waxaa ka mid ah tahriib , waali, niyad jab , wadan naceeb ,tuugo-nimo , dhac ,dil iyo ku dhiirasho shaxaad iyo tuugsi, intaani oo dhan waa ay sii jirayaan haddii aana la helin nidaam adag oo dadkani shaqo u abuuro ama aanan wax laga badalin habka shaqo bixitan dowladda oo ah mid ku saleysan ino adeersi kaasi oo hareeyay dhamaan hey’addaha dowladda ,tusaale imisa wasaaradood ayaa shaqaaleeysiiyay dad ay xidid ,xigto ,xigaalo ama saaxiib dhaw yihiin wasiirka maamulo wasaaradda.

Sahal ma ahan in maanta aad shaqo dowladeed heso haddii uusan garabka kaa heynin , xildhibaan , wasiir ,nabadoon ama qof can ka ah beesha aad ka dhalatay dad badan ayaa sidaasi ku joogo shaqada dowladda kuwa kalana waxa ay hayaan wadadaasi iyo mid la mid ah , waa ayaan daro xili wadamada qaar shaqooyinka wasaaradaha la soo bandhigo loona tartamo, haddaba nidaamka shaqo bixinta dowladda oo wax laga badalo maxey ka tari kartaa shaqo la’aanta Wadanka ka jirta.

Markale aan soo dhaweeyo martida dooda ka qeyb galeysa soo dhawaada , Cadar Ismaaciil C/laahi ( Juuraari ) oo mar ka soo shaqeysay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha kana mid ah bulshada Ra’yidka  , Caasho Axmed Baarxuud oo ka mid ah qurba joogta wadanka maal gashiga ku sameeyay iyo C/laahi Axmed Siyaad oo waxbadan ka og shaqo la’aanta jirta bartayna Maamulka Siyaasadd iyo Saxaafadda.

Hoos ka Dhageyso Dood ku Saabsan arrintaasi:-