Dab Xoogan oo ka kacay Kaam ku yaalla Muqdisho

0

Dab ayaa ka kacay kaamka Badbaado 1 oo ku yaalla  degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho sida ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka.

kaamka Badbaado 1 ayaa waxaa kunool dad barakacayaal ah , waxaana la sheegay in dabku uu ka bilowday Gudaha kaamka.

Ilaa iyo hadda Lama Xaqiijin karo  khasaaraha ka dhashay Dabkaasi ,Balse waxa goobta ku sugan  gaadiidka gurmadka degdegga ah ee maamulka gobolka Banaadir.