DAAWO SAWIRADA:- Shirka Sanad laha ee Haweenka Baarlamaanka oo ka socda Muqdisho

0

Shirka Sanadlaha ah ee Haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka socda Magaalada Muqdisho,waxaana shirkan soo qaban qaabiyay hey’adda Horumarinta Mashaariicda ee UNDP waxa uu socon doonaa muddo labo cisha ah waxaa ka qeyb galayo Haweenka Baarlaamka ee golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo Xubo illaa iyo 10 gaaray oo laga Casuumay Ururadda Haweenka ee Bulshadda Ra’yidka.

Shirkan waxaa lagu casuumay oo ka qeyb gelaya labada maalin uu socdo Madaxda Golaha shacabka iyo Aqalka sare Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo xubno ka soda baarlamaanka ,Uganda Sidoo kale Qaar ka mid ah Haweenka Wasiirrada ah ee ku jira Xukuumadda cusub iyo Hay’adda UNDP iyo Hay’ado kale ayaa ka qeyb gelaya shirkan oo muhiimaddiisu tahay kaalinta Haweenka ee Siyaasadda iyo horumarka Dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa muhiimadda xiriirka iyo habka xiriirka sidoo kale kaalinta dumarka iyo dowladnimada ,iyo sidii ay dumarka si la mid ah raga ugu heli lahaayeen fursadaha shaqooyinka , Siyaasadda iyo Waxbarashadda.

Haweenka ayaa Baarlamaanka tobanaad ee Soomaaliya ka helay 24  %,halka Baarlamaankii ka horreeyay ay ahaayeen 14%, waxa ay xukuumadda cusub ka heleen 12 % walina waxa ay raadinayaan in intaasi in ka badan ay ka helaan shaqooyinka dowladda in  kastoo ay tiro aad u hooseyso ay kaga jiraan gudiyadda baarlamaanka laga dhex sameeyay ayna ku yar yihiin hogaaminta gudiyadda.

Hoos ka Daawo Sawirada:-