DHAGEYSO:- Xildhibaan dhulka ku jiiday Dowlada Madaxweyne Farmaajo, Soona Bandhigay..

0

Madaxda Dowlada Federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay ka gaabiyeen ka haalka Xasuuq lagu hayo shacabka soomaaliyeed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ku dhaliilay Madaxda Dowlada in aysan ka hadlin Duqeynmaha Habeen iyo maalin lagu garaaco deegaanada Gobolka Gedo.

Xildhibaanka ayaa Sheegay Dowlada ay isha ka daawanayso Dadka aan waxba galabsan ee ay leynayaan Dowladaha Kenya iyo Mareykanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Baraalamaanka ,Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaada in ay yihiin kuwa ka aamuan Difaaca Sharafta iyo Karaamada Umada Soomaaliyeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka:-