DAAWO SAWIRADA:- Isbedel laga dareemaayo Magaalada Ceelbuur

0

Isbedel weyn ayaa laga dareemayaa Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud tan iyo markii ay ka baxeen Magaaladaasi ciidamadii Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa Ceelbuur isaga baxay saddexdii Bishan, waxaana isla maalintaasi qabsaday Ururka Al Shabaab oo markii horeba meel aanan ka fogeyn Ceelbuur ku sugnaa.

Dadkii horay uga barakacay Magaalada Ceelbuur ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtaan Magaaladaasi, waxana iminka socota dhismaha guryaha oo dadka ay boorka ka jafanayaan guryahooda.

Inkastoo Shabaab ay gacanta ku hayaan Maamulka Degmada Ceelbuur, haddana waa ay ka wanaagsan tahay sidii ay aheyd markii Ciidamada Itoobiya ay joogeen Magaalada oo gabi ahaanba cidlo aheyd.

Goobaha ganacsiga Magaalada ayaa dib loo furay, waxaana la arkayaa gaadiidka waaweyn ee Ti-emka loo yaqaan oo sii galaaya Magaalada, kuwaasi oo ka tagay Muqdisho.

Dadka reer Ceelbuur oo u arka Maamulka Shabaab inuu u wanaagsan yahay, ayaa hadda ka nastay dhibaatadii ay ku qabee xilligii ciidamada Itoobiya ay joogeen Magaalada oo xaaladda Ceelbuur aheyd mid alow sahal ah.

Hoos ka Daawo Sawirada:-