Daadguraynta oo dib uga bilaabatay Dalka Suuriya

0

Labo goobood oo ay gacanta ku hayaan ciidammada Suuriya ayay dib uga billaabatay daadgurayntu, sida ay sheegayaan qolyaha xuquuqda aadanaha la socda, arrintan ayaana imanaysa maalmo uun ka dib markii weerar lagu qaaday kolonyo waday dad la soo daad gureeyay oo ay ku dhinteen 126 ruux oo carruur u badan.

Dad lagu qiyaasay 3,000 oo ruux ayaa lagaga soo tagay tuulooyinka waqooyiga-galbeed xiga ee Foah iyo Kefraya, kuwaas oo ay hareereeyeen jabhaduhu.

Dhanka kalana basas ayaa dad ka soo qaaday Zabadani oo u dhaw magaalada Dimishiq oo ay go’doomiyeen ciidammo dawladda taageersan.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay ka dib markiii uu weerar ka dhacay agagaarka Xalab Sabtidii.

Daadguraynta ayaa dib u billaabatay galinkii hore ee Arbacadii, sida ay sheegtay kooxda la socota hay’adda xuquuqda aadanaha ee Suuriya oo fadhigoodu yahay Britain.

Weriye ka tirsan AFP oo goobta daad guraynta ku sugan ayaa sheegay in ay basaska ilaalinayaan tiro ka mid ah ciidammada Jabhaddaha kuwaas oo si taxadar leh dadka u baaraya.