DAAWO SAWIRRO:- Madaxweynaha Ahlusunna iyo wafdi uu hogaaminaayo oo maanta Muqdisho soo gaaray.

0

Madaxweynaha maamulka ahlusunna wal-jameeca ee gobalada dhexe shiikh maxamed shaakir iyi wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa waxaa ku jira xubno sar sare oo katirsan ahlusunna waxaana imaanshahooda Magaalada Muqdisho lagu sheegay in ay ka qeyb gali doonaan shirka lagu dhex-dhaxaadinaayo maamulka Galmudug iyo Ahlusunna wal-jameeca ee gobalada dhexe waxaana garwadayn ka ah dowaladda dhexe ee soomaaliya.

Magaalada muqdisho ayaa hore waxaa ujoogay madaxweyne ku xigeynka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha maamulkaasi Maxamex Xaashi Carabay iyo gudoomiyaha baarlamanka maamulkaasi galmudug Cali Gacal Casir kuwaas oo shirka ku matalaya Maamulka Galmudug.

Dowladda soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay shirka lagu dhex dhaxaadinayo maamulada ahlusunna iyo galmudug waxaana la filaaya in lagu soo afjaro muranka labada maamul udhaxeysa muddo dheer iyadoo la doonayo in ahlusunna wal-jameeca ay ka qeyb gasho doorashada madaxweynaha galmudug oo 30 bishaan ka dhici doonto Magaalada Cadaado ee gobalka galgaduud.