XOG WARAN:- Warbixin yaab leh oo ku saabsan sida Somalia loogu kala sharaf badan yahay

0

Waxaa guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada ku dhaqan Ajaaniib farabadan oo kasoo kala jeeda dalal dhowr ah kuwaa oo usoo shaqa doonta Somalia. Ajaaniibta ayaa isugu jira Ganacsato,

Injineero iyo Dhakhaatiir tayo ahaan aad uga hooseeya Soomaalida, balse waxaa xusid mudan in Dowlada Somalia iyo Hay’adaha kale ay qadarin gaara siiyaan Ajaaniibta macaash doonka ah.

Ajaaniibta ugu badan ayaa ah Dhakhaatiir ka kala shaqeeysa Isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaa oo caafimaad ahaan aad uga hooseeya Dhakhaatiirta kale ee u dhashay dalka, waxaana durba lasiiyaa xushmad kaga imaaneysa dhanka dowlada iyo Hay’adaha.

Dhakhaatiirta qaar ayaa si rasmi ah ula wareega goobaha Caafimaadka, iyadoo ay dunida mamnuuc ka tahay in Dhakhtar ama shaqsi ajnabi ah loo dhiibo maamulka sare ama Agaasinka guud ee Xarunta Caafimaadka.

Waxaa magaalada Muqdisho ku yaala Xarumo Caafimaad oo Agaasimayaal ay ka yihiin Dhakhaatiir Ajaanib ah, iyadoo taa ay muujineyso gaabiska Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia, waxa uuna sharcigu qeexayaa in maamulka Sare loo dhiibo Agaasime Muwaadin ah, halka Ajaaniibta kale ay noqonayaan kuwa ka hooseeya Agaasimaha.

 

Marka la eego Goobaha Ganacsiga ama dhismooyinka magaalada Muqdisho waxaa bilihii ugu danbeeyay gacanta ku haya shaqsiyaad Ajaaniib ah, waxaana xusid mudan in magaalada Muqdisho ay ka howlgalaan Shirkado dhismo oo ay leeyihiin Ajaaniib kuwaa maqaar saar ay ka yihiin Soomaali balse Maamulka looga danbeeyo Ajaaniibta.

Wasaaradaha Xukuumada Somalia ayaa inta badan si degdeg ah ku sharciyeeya Ganacsiga ay wataan Ajaaniibta, waxa ayna taa wiiqeysa jiritaanka shacabka Soomaaliyeed, marba haddii xushmada koowaad lasiinaayo Ajaaniibta macaash doonka ah.

Dowlada Somalia gaar ahaan Wasaaradaha ku shaqada leh howlaha aan halkaani ku xusnay ayaan ka dhabeyn shaqooyinkooda, waxaana suuragal ah in Ajaaniibta qaar ay yihiin kuwo dalalkooda kasoo galay danbiyo qaran oo usoo shaqo tagay magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon in il gaara ay ku eegto Xarumaha Caafimaadka, Dhismooyinka iyo Goobaha waaweyn ee Ganacsiga, gaar ahaan kuwa ay ku lug leeyihiin Ajaaniibta.

Si kastaba ha ahaatee, Ajaaniibta macaashka usoo aaday Somalia ayaa kasoo kala jeeda wadamada Masar, Yemen, Hindi iyo Bangaldheesh.