TOOS U DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Munaasabada lagu xusayo Aas aaska Ciidanka xooga oo Muqdisho ka socota

0

Maanta oo ah 12-ka April waxaa ay ku beegan tahay markii la Aas-aasay Ciidamada Milatariga Soomaaliya,waxaana Munaasabad loogu dabaaldagayo Aas-aaskooda ay ka socotaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga,waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Taliyaha Guud Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa la adkeeyay,waxaana Xiran Wadooyin aad u badan,iyadoo Wadooyinka qaar Xittaa aan loo ogoleyn Lugta.

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa Hambalyo ku aadan Aas-aaska Ciidamada Xoogga u diray Ciidamada Milatariga,Saraakiisha iyo Xaasaskooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO