WAR DEG DEG AH:- Qarax Xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo Masuul Caan ah oo..

0

Qarax ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu xiray ayaa saaka ka dhacay agagaarka Isbitaalka Martiini ee degmada Xamar weyne, kaasoo ahaa gaari uu watay nin ka shaqeeya shirkadaha duulimaadyada.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray nin lagu magacaabo C/qaadir Cismaan Faarax oo loo yaqaano Dr. Yare oo ka tirsan shirkada duulimaadka Daalo.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninkan uu dhaawac culus ah soo gaaray, isla markaana qaraxa uu ka haleelay qeybaha dambe ee jirkiisa, gaar ahaan labada lugood.

Waxaa la sheegay in loola cararay Isbitaal, xaaladiisana ay aheyd mid halis ku jirta, waxaana goobta gaaray ciidamada booliska ee miino baarista ah.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana ay qeyb ka noqotay farsamooyinka dadka lagu qaarijiyo, iyadoo bil ka hor sidan oo kale gaarigiisa loogu xiray Farsamayaan ka tirsan Telefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho oo lagu magacaabo C/xamiid Karzaay, kaasoo ay ka soo gaartay dhaawac culus oo loo qaaday dalka Turkiga.