XOG RASMI AH:- Waa kuma maskaxdii ka dambeysay heshiiska Puntland iyo shirkadda DP World oo lugu ballaarinayo dekedda magaalada Boosaaso

0

Shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalka Imaaradka Carabta iyo Puntland ayaa 6 bisha April ku gaaray magaalada Dubai heshiis ku kacaya $ 336 million doollar.

Wada-xaajood waqti badan qaatay ayaa lugu dhammaystiray heshiiska oo lugu doonayo shirkadda DP World inay ku ballaariso dekedda magaalada Boosaaso oo an wax dayac-tir ah helin tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maamulka ayaa muddo raadinayay sida lugu heli karo dib u dhiska dekedda magaalada Boosaaso oo muhiim u ah ganacsiga Puntland iyo gobollada dhexe ee dalka,laakin haweeneyda Safiya Cabdiqafaar Xaaji Xuseen (Bassey) ayaa la xaqiijiyay inay tahay maskaxda heshiiska ka dambeeysay,waxaana ay dowladda ka caawisay in la dhammaystiro heshiiska.

Safiya Cabdiqafaar waxaa ay deggan-tahay magaalada Dubai waxaana ay ka soo jeeda Puntland,iyadoo lugu sheego shaqsiyaadka Soomaalida ee dalka Imaaradka ku nool kuwaado ugu dhow dowladda dalka ka jirta iyo shiradaha ganacsiga oo ay ka mid tahay shirkadda DP World .

Sultan Axmed Bin Suleyman oo ah madaxa shirkadda DP World wuxuu ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabad lugu soo dhaweynayay heshiiska shirkadda iyo Puntland in heshiiska uusan mari-dhal noqdeen,haddii uu banaanan lahaa doorka ay ka qaadatay ,Safiya Cabdiqafaar.

“Mashruucan sida u weyn inan ka fulino Puntland wuxuu ku yimid dadaal badan,waxaan oran kara Safiya Cabdiqafaar la’aanteed inaysan waxba dhammaaden,waxay muujisay dadaal dheer,iyadoo marka soo bandhigtay muhiimada dekedda leedahay iyo sida loogu baahanyahay in dib loo dhiso”. ayuu yiri Sultan Axmed Bin Suleyman madaxa shirkadda DP World .

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas ayaa dhankiisa mahadcelin ballaaran usoo jeediyay ,Safiya Cabdiqafaar wuxuuna marka ku sheegay inay noqotay shaqsi Soomaaliya iyo Puntland baal-dahab ah ka gashay,isagoo inta ku daray haweeneyda inay mashruucan ku bixisay maskax iyo waqti dheer.

“Waxad qabatay waa mid horseed u ah bulsho badan reer Puntland ah iyo Soomaaliya oo aqoon iyo dhaqaalo dalka dibaddiisa la fadhiya.”ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Heshiiskan wuxuu noqonaya midkii ugu ballaarana oo ay Puntland gashay tan iyo markii la aas aasay oo hadda 19 sanno laga jooga,waxaana laga doonaya heshiiska in lugu dhammeystiro muddo 24 bilood gudahood ah oo ka billaamaneysa maalinta heshiiska la saxiixay, heshiiska wuxuu socon doonaa muddo 30 sanno ah.