DAAWO WAREYSI:-Michael Keating “QM Somaliland waxaan u aqoonsan nahay inay tahay qayb kamid ah Soomaaliya”.

0

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo dhawaan booqasho ku tegay magaalada Hargeysa ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Somaliland u aqoonsan yihiin qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Somalia.

Wuxuu sheegay in qofka go’aaminaayo in Somaliland ka madax banaan tahay Somalia uusan isagu aheyn, sidaasi darteedna sharciyada iyo qaanuunka Qaramada Midoobay, iyo Midowga Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka qeexaya inaysan aqoonsaneyn Somaliland, waxayna u aqoonsan yihiin inay weli Somalia ka tirsan tahay.

“Qaramada Midoobay waxaa xubno ka ah dowladdo badan, anigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada Somaliland, waqti xaadirkaan beesha caalamka uma aqoonsana Somaliland dal madax banaan, waxayna u aqoonsan yihiin qayb ka mid ah Somalia”. ayuu yiri Michael Keating” ayuu yiri Michael Keating.

Michael Keating wuxuu intaa raaciyay in go’aanka Somaliland ee gooni isu taaga iyo go’aanka beesha caalamka ka taagan tahay in Somaliland ay ku adkaaneyso xaalada dhabta ah ee ay ugu jiraan in ay ka madam bannaanaadaan Somalia inteeda kale.

Somaliland ayaa 26 sano sano ka hor ku dhawaaqday in ay Somalia ka go’day, wixii intaasi ka danbeeyay waxay dadaal ugu jireen in ay caalamka ka helaan aqoonsi, hase ahaatee well ma muuqda rajo ah in ay ka madam bannaanaadaan Somalia inteeda kale.