DHAGEYSO:- Dhalinyarada laga soo Tarxiilay Mareykanka oo Sir badan ka faafiyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir, kuna tilmaamay in uu..

0

Qaar kamid ah Dhalinyaradda Soomaliyeed ee dhawaan dib loogu soo celiyay Wadanka Mareykanka ayaa sheegay in uusan u qalmin xilka Gudoomiyaha cusub ee Maamuka Gobolka Banaadir Taabit oo badalaya Gudoomiyihii Hore ee Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

C/laahi Maxamed Maxamuud oo kamid ah Dhalinyradda laga soo tarxiilay dalka Mareykanka islamarkaana haatan ku sugan Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaliya ayaa sheegay In ninka loo magacaabay dhawaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uusan u qalmin xilka, islamarkaana uu ahaa mas’uulkii iskudaba riday In dhalinyaro Soomaliyeed laga soo tarxiilo dalka Mareykanka.

Waxa uu sheegay in Taabid Cabdi Maxamed uu gacantiisa ku saxiixay in Soomaliya ay nabad waarto ka jirto islamarkaana dhalinyradda Soomaliyeed hadii lasoo celiyo aysan la kulmi doonin wax dhibaato ah.

Dhawaan boqolaal dhalinyarro Soomaliyeed ayaa laga soo celiyay dalka Mareykanka oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya,waxayna Madax ka tirsan Dowldda Soomaliya ay ku eedeeyeen arinta ah in lasoo tarxiilo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-