DHAGEYSO:- QM “60 Kun oo Qaxooti Soomaali ah ayaa dib loo soo celiyay”..

0

Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ku dhawaaqday in dalka ay dib ugu soo celiyeen Qaxooti ku dhow 60 Kun, taasi oo ah tiro badan.

Sidoo kale UNHCR ayaa sheegtay in weli ay socdaan dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna Hay’adda tilmaamtay dhammaan dadka ay soo celineyso in ay u badan yihiin caruur iyo dad Da’ah.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay dadka la soo celinayo in ay yihiin kuwo iyagu doonaya in ay soo laabtaan, balse aysan aheyn dad si Qasab ah lagu soo kaxeeyay.

Hay’adda arrimaha Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee lagu magacaabo UNHCR ayaa ugu dambeyn shaacisay tan iyo Bishii December 2014-kii in Soomaaliya ay dib ugu soo celiyeen 59,829 Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku sugnaa xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay weerarada Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya in laga soo abaabulo xerada Dhadhaab, waxaana arintaasi ay keentay in Qaxootiga laga soo raro xerada Dhadhaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-