DHAGEYSO+SAWIRO:- Maxaa iska badalay Nolosha Hooyo Xaawo Maxamuud hilowle oo Carruur Mataano ah jidka ku dhashay

0

Waxay ku jirtey xaawo Maxamuud hilowle,qaar ka mid ah caruurteda iyo sayigeeda aqal ka weyn kii maalmihii hore aan u tagayay ay ku jireen,aqalka waxaa u dhaxyaaley laba sariir oo ay dulsaaran yihiin laba joodari,alaab maacuun ah iyo muuqal ahaan caruurteedii 10-ka ahaa sidii hore ka aragti fiican,arintana waxay ka danbeysey kadib markii ay ku arad baxeen laba boqol oo doolar oo horey Abwaan cusmaan C/llaahi Gguure usoo dhiibey..

Waxay igu soo dhaweeyeen markii aan u tagayay si wanaagsan,waxaan ku fariistey sariir iyo joodarigeeda,waxay ii sheegeen iney ku farxeen aragtideyda waxay ii sheegeen in lacagtii labada boqol aheyd is badel guri iyo mid nololeedba ka heleen.

Waxaan u sheegey in Booqosho sedexaad aan uga imid aniga oo u wada boqol doolar oo Abwaan Guure Agaasimaha Idaacada kulmiye ee muqdisho iigu soo dhiibey boqolkaas oo haweeney soomaaliyed ee Mareykanka kunool uga soo talo gashey Qoys xaawo Maxamuud hilowle.

Si wanaagsan ayay usoo dhaweeyeen,iyagoona sheegey in mar kale lacagta boqolkan doolar ah nolosheeda wax weyn u tari doono,hadalo mahadcelin ah ayay jeediyeen.

Aqalka yar ee ayku jireen laba todobaad ka hor markii aan u tageyey cabir ahaan wuxuu le ekaa laba mitir iyo bar,laakin maanta aqalka ay ku jireen wuxuu la ekaa sedex mitir iyo bar,halkii markii hore ay ka saarnayeen marooyin iyo baakado gabal gabal ah,badelkeeda waxaa u sarnaa bacooyinka roobka laga galo iyo kubeertooyin,waxay u muuqdan kuwo wax weyn u taraya gargarka lacageed ee soo gaaraya.

Waxaa Qoray Wariye Muxuyadiin Xusni

Hoos ka Dhageyso Codka, Kana Daawo Sawiro laga soo qaaday:-