DHAGEYSO:- Meydad Kale oo laga Helay Goobtii Shalay uu Qaraxa ka dhacay ee Muqdisho

0

Meydad hor leh ayaa Saakay laga helay goobtii Shalay ay dadka badan ku dhinteen ee Qaraxa ka dhacay.

Meydadka ayaa waxa la geeyay Isbitaalada waa weyn ee Muqdisho iyo Xarunta Dambi barista ee CID, halkaasi oo dadkooda ay ugu tagayaan.

Afayeenka maamulka gobolka banaadir ayaa xaqiijiyey dhimashada Toddoba ruux oo ku geeriyootay qarax waxyar ka hor ka dhacay meel ku dhow dhismaha wasaaradda Aminga gudaha.

Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen 7 ruux oo ahaa dad shacab ah, kuna sugnaa halka uu qaruxu ka dhacay, islamarkaana dhaawucu uu ka badan yahay intaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-