DHAGEYSO:- Howlgal lagu soo qab qabtay Maandooriyeyaal iyo dad badan oo loo Xeray

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Gaashaanle Dhexe Cabdi Muuse C/laahi ayaa waxa uu ka warbixiyay Howlgallo Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen Gobolkaasi.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay kooxo ilmaha yar yar Maandooriyeyaal ka iibin jiray, waxaana uu sheegay in ay in badan ku daba jireen raggan Maandooriyaha ka iibin jiray caruurta, ayna suura gashay in gacanta lagu soo dhigo.

Waxa uu sheegay maalmahan in Magaalada ay aad ugu soo badanayaan caruurta isticmaasha Maandooriyaha, isaga oo sidoo kale sheegay raggii falkan ka dambeeyay in ay gacanta ku soo dhigeen, kadib markii ay daba dhigeen Ciidan gaar ah.

Gaashaanle Dhexe Cabdi Muuse C/laahi Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer ayaa dhanka kale u mahadceliyay saraakiisha Ciidamada ee Howlgalkan fuliyay, wuxuuna waalidiinta caruurta dhalay ugu baaqay in ay la socdaan xaalada caruurtooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-