DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxayo Askari ka tirsan Ciidanka Puntland oo Toogtay qof Shacab ah

0

Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland ayaa xalay Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal waxa uu ku dilay Qof shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay irida hore ee Sladhiga Magaalada Garowe, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaasha ka howlgala Degaanada Puntland.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dilkan, waxayna sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Askarigii dilka geystay, lana horgeyn doono cadaaladda.

Ma cadda sababta uu Askrigaasi u dilay Qofka shacabka ah, hase ahaatee dadka goobta ku sugnaa ayaa waxa ay sheegeen in muran uu soo kala dhexgalay Askariga iyo Qofka shacabka ahaa ee la dilay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-