TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2017

0

Xildhibaanada Baarlamaanada Soomaaliya oo Maanta Kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Sanadka 2017.

Miisaaniyaddan ay soo diyaarisay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa waxaa gaareysaa 267 Milyan oo loogu tala galay Xafiisyada Dowladda.

Lacagtaasi ayaa 60% waxa ay ka imaaneysaa gudaha Soomaaliya, Waxaana 40% ay ka imaaneysaa dibadda.

Furitaanka kulanka ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle Waxa uu Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan sidoo kalena ay fursad bilooyin ah siiyaan si uu u saxo dhaliilasha ay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka qabaan qaabka loo soo diyaariyay Miisaaniyada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka yeeshay Miisaaniyada iyo wadada loo maray diyaarinteeda, waxaana markii dambe ay Xildhibaanada isku raaceen in la ansixiyo Miisaaniyada.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isku raacay in 3 bil oo ka bilaabaneyso bishaan April ka dib Baarlamaanka lagu soo celiyo Miisaaniyada, 3 bil gudaheedana lagu saxo qaladaadka ku jira Miisaaniyada.

Xildhibaanada ayaa Wasiirka Maaliyada ka dalbaday in dhamaadka bisha June uu Baarlamaanka horkeeno Miisaaniyad sanadeedka 2017 oo faah faahsan, isla markaana uu ku soo sameeyay sixitaan.

Guddoomiye Jawaari aya sheegay in Wasaarada Maaliyada loogu baahan yahay in ay tixgeliso go’aanka Baarlamaanka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka codsaday in ay ilaaliyaan sharciga isla markaana ay joogteeyaan kulamada Baarlamaanka si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

HALKAAN KA DHAGEYSO