SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdigii R/wasaare Ku Xigeenka Turkiga.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Maanta ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Wadanka Turkiga Sayn Bekir Bozda oo Maanta Booqasho ku yimid Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed C.llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Sayn Bekir Bozda ayaa ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xariirka Labada Dowladood iyo sidii Dowladda Turkiga ay uga qeyb qaadan laheyd Caawinta Dadka Abaartu ay saameysay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga uga Mahadceliyay Booqashada Maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho,waxaana uu intaa ku daray in Turkigu uu yahay Saaxiibka Koowaad ee Soomaaliya.