Ku Xigeenka Hoggaamiyaha Kooxda Daacish oo la dilay

0

Telefishinka Dowladda Iraq ayaa maanta baahiyey in Sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jirey Ayaad Al-jumayli lagu dilay duqeyn Diyaaradeed.

Sirdoonka Milliteriga Iraq ayaa sheegay in Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Daacish iyo Taliyayaal kale lagu dilay duqeyn ay Diyaaradaha Dagaalka Iraq ka geysteen Gobalka Al-qaym oo ku dhow xuduudka dalka Syria.

Telefishinka ma sheegin Taariikhda uu dhacay Hawlgalka lagu dilay  Ayaad Al-jumayli oo lagu tilmaamay inuu ahaa Wasiirka Difaaca iyo Ku-xigenka Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Isbahaysiga Milliteriga Maraykanka weli kama hadlin arrintaasi.