DHAGEYSO:- Wararkii Ugu Dambeeyay ee Dabkii ka kacay Suuq Bacaad iyo Khasaaraha ka dhashay oo…

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan Xalay ka kacay Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq Bacaad.

Dabkan ayaa ka bilowday mid ka mid ah dukaamada dharka ee Suuqaas, waxaana uu ku fiday dukaamadii ku dhawaa sida ay goobjoogayaal sheegeen.

Waxaa lasoo sheegayaa in dabkaas uu ka dhashay qasaaro hantiyadeed iyadoo walli lagu guda jiro daminta dabkaas oo ah mid sii xoogeysanaya.

Arinta ugu weyn ee keentay in dabka uu fido ayaa ah kooxaha dab damiska oo xili danbe gaaray goobta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-