TOP NEWS:- Xildhibaan Shaacir oo Afka Furtay, Sir badana Banaanka soo dhigay

0

Kadib markii qaar ka mid ah dowladaha taageera Somaliya gurmad kala duwan ay u soo fidiyeen Somaliya, islamarkaana mucaawino gurmad ah dalka la keenay, ayaa Xildhibaanada waxa ay ku baaqayaan inay muhiim tahay in gurmadka la keenay la qaybiyo.

Xildhibaan C/laahi Shaacir, ayaa sheegay in xilligaan aysan waxba tareyn gurmadka Somaliya la soo gaarsiiyay inay Bakhaaro isaga jiraan, xilli dadka gaajo iyo haraad ay u dhimanayaan.

Wuxuu sheegay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran in laga doonaayo inay u kacaan arintaasi, islamarkaana dadka gar gaarka la keenay ay u qaybiyaan.

Waxa uu sheegay in wixii yaalla ay muhiim tahay in dadka loo qaado oo aan shirar iyo wax lamid ah lala sugin, isaga oo ku celceliyey baaqiisa ah in la badbaadiyo shacabka Somaliyed ee abaarta u dhimanaya.

“Dalka mucaawino wey taallaa, waa in deg deg dadka loo gaarsiiyaa, waa inaan shirar lagu mashquulin, waxaa na dhibaya in dadkeenna ay baahi u dhintaan, guddiga gurmadka waan la kulmeynaa, waxaana diyaar u nahay aniga iyo xildhibaanno kale inaan la shaqeynno guddiga oo aan qaadno wax walbo oo shacabka loogu talogalay, dadku wey dhammaanayaan, yaa la xukumayaa haddii shacabkeena gaajo u dhintaan.” ayuu yiri Xildhibaanka.

Xukuumadda cusub ayuu sheegay in la meel mariyay oo hadda wixii ka dambeeyay aanan la dhihi doonin Xukuumadda weli ansax ma’ahan.

Waxa uu ka dalbaday Xukuumadda cusub inay xooga saarto sidii loogu gurman lahaa Bulshada abaarta ay sida xoogan u saameysay.