TOP NEWS:- Maamulka Idaacadda Goobjoog oo Cadeeyay Sababta loo Afduubtay Wariye Hanad Cali Guuleed

0

Maamulka Idaacadda Goobjoog ayaa Faahfaahiyay Sababta loo Afduubtay  Wariye Hanad Cali Guuleed .

Hadal kasoo baxay maamulka Goobjoog FM ayaa sidaas u qornaa

AFDUUBKA WERIYE HANAD CALI GULEED OO KA TIRSAN GOOBJOOG

Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

Hanad Cali Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in habeennadii dambe loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.

Qoyska Hanad,  waxaa afduubkan u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo ololaha Media for Aid.

Hanad Cali waxaa uu qoyskiisa soo wacay waxyar ka dib markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jirdilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir lagama hayo.

“Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’an tahay in uu runta sheego, una noqdo cod Soomaalida aan codka laheyn” sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.

Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Wariye Hanad Cali Guuleed, waxaa ayna  ka wal-walsan tahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in si dhaqso ah ku daayaan.