SOO NOQO SHADA QIIMIHII QOFKA SOOMAALIGA AH OO LAGA DAREEMAY DAAFAHA ADUUNKA DURBA.

0

Mahad oo dhan waxaan u celinaynaa Allaah.Dadka soomaaliyeed oo ah dad leh haybad iyo sharaf islamarkaana la haa dawlad dhexe oo xoogleh iyo karaamo,ayaa wayahan danbe noqday dad la liido la quursado guud ahaan calaamka. Arintana waxaa keenay burburkii dawladeed iyo dagaaladii sokeeye oo ku daba dheeraaday soomaaliya.Kol hadii lawaayo dawladnimo oo lagalo nidaam daro iyo qalaaso siyaasadeed iyo mid amaan,waxaa dhacaya in qofba kuu muquuninkaro dilo,dhaco,xaqiro oo nafta ka jaro. waxaa iman isdil joogta ah,aqoon daro joogta ah,faqri joogta ah,cuduro joogta ah, bara kac iyo qax joogta ah dalam baaba iyo ba´a iyo hoog joogta ah.

Kolhadii taasi dhacdana aadamuhu wuxuu kugu nacaa kuguna quursadaa baahida iyo dayacnaantaada. waxaa soomaali noqdeen dad aan lahayn dawlad illaalisa karaamadooda,amaankooda,wax barashadooda,hormarkooda. hadaba dad aan lahayn dawlad nin walbaa xuquuqdooda ku tuman oo ka yeeli siduu doono maadaama dawlad illaalisaa jirin. wax kale daayoo dawladihii dariska ahaa ayaa 26 sanadood inaga yeelayay siday doonaan oo dalkeena dhibka ka jiray ka faa iidaysanaayay oo majara u qabtay siyaasada dalkeena,dadkeeniina kala qaybiyay oo qabiil qabiil ka dhigay iska soo horjeeda oo dawlad diid ah.

Aduunyadii dawladaha caalamka qaarbaa u qaatayba in aynu nahay waxa Ethiopia inaga faa finayso had iyo jeer ee ah in aynu nahay qabaa ilo soomaaliyeed oo ay naan ahayn qaran soomaaliyeed. dhanka kalana in aynu nahay dad aan garanayn dawladnimada iyo waxay tahay dawladi midna.marka la eego qaabka aynu isu dilayno ama dalkeena ku burburinayno waa u egtahay in aynu nahay dad qabiil mooyee aysan la wayneen dawladnimadu.Ogoow hadaba dadka qabiilka wada ee soomaaliyeed waa dad ku shaqaynaya maskax iyo afkaaro shisheeye wado maxaa yeelay qofka soomaaliyeed sida dhabta ah dalkiisa wuu jecelyahay soomaalinimadiisana waa jecelyahay ee waa laynaga shaqaystay. qabiilka waa naqaan ka soomaali ahaan laakiin waa isku garanaa iskumana cecbin iskumana dulmino ee waxaa la dhex galiyay qabyaalad qabiilkii caadiga ahaa oo waa la siyaasadeeyay ilaa laga yiraahdo dawlad ku dhista qabiil oo waxaa tihiin 4.5???

Digniin marwalba oo aad aragto qof soomaaliyeed oo maanta oo dhan wada qabiil iyo qabyaalad ogoow in uu u shaqaynayo isticmaar iyo shisheeye maxaa yeelay hadii qabiil iyo qabyaalad la waayo oo la joojiyo macnaheedu waxaa weeye qofku soomaali buu noqonayaa aamin san dawladnimo iyo nidaam iyo kala danbayn sida aduunka ka jirta.hadaba shisheeyuhu gumaystaha ahi sidaa doonimaayo.kolkaa dabuu inagu dhexbeeray mudo kusiman 200 sanaodood.

Wiilal soomaaliyeed oo leh aqoon,leh wadaniyad ah soomaali dhab ah jecel diintooda iyo dadkooda iyo dalkooda ayaa rabi mar qura inoo soosaaray curado khayrqaba waa Farmaajo iyo Khayre oo ah labo hogaamiye oo durba dalkeenii iyo dadkeenii iyo dawladnimadeenee sooceliyay durba haybadii guud.Waxaan aragnay aduunkii dhan gaalo iyo muslimba carab iyo cajab nin walbaa ka haybaysanayo oo sharfayo shaqsi u dhashay soomaaliya.waxaan durba aragnay dawladeenii oo leh haybadii lagu yaqiinay bari samaadkii.waxaan aragnay qurbo joogtii soomaaliyeed oo loola dhaqmayo si kaduwan waxbadan sidii shalay loola dhaqmaayay. dal iyo dibadba dadkii soomaaliyeed waxay dareemeen cizi iyo karaamo iyo sarayn buuxda oo sharafkooda ah.

Waxaan helay baarlamaan isku duuban oo wadani ah,waxan helay madaxwayne aragti hogaan oo sare leh oo daacad ah,waxaan helay raysal wasaare leh aqoon iyo karti ah wadani daacad ah oo raba in uu dalkiisa badbaadiyo oo ah ehlu sharaf. waxaan helay wasiiro xirfad iyo aqoon iyo kartiba leh oo shaqada dalkooda diyaar u ah inay u gutaan si daacad iyo hufnaan ah. Hadaba markii madaxdii rabi inoo hagaajiyay dalkeenii waxa uunoqday dal iyo dawlad leh haybad oo aamin ah ninkastaana maanta soomaali buu karabaa heshiis iyo xiriir iyo wax wada qabsi. markaynu ka soomaali ahaan is sharafnay ayaa aduunkiina ina sharfayaa.

Shacabka soomaaliyeed waxaa laga rabaa dal iyo dibad in aynu u ducayno madaxdeena qaranka in ilaahay gaarsiiyo guul iyo isku duubni iyo hogaamin wanaagsan oo gaarsiisa dalkeena amaan iyo kaladanbayn buuxda oo dawladeed.waxaan illahaay u waydiinaynaa in uu madaxdeena xilkaa ay inoo hayaan ku guulaysiiyo dalkoo inoo daga guud ahaan.shisheeyaha iyo sokeeyaha cadawga u shaqeeya illahay haka indho saabo sharwade dhamaantii.cidkastoo soomaaliya u diidan in ay dawlad noqoto illaahay haka yeelo ha baa an mansuuraa.cadawgeenu waxa uu diidan yahay in caruurta soomaaliyeed helaan waxbarasho,caafimaad,gobonimo iyo sharaf dawladnimo,wadankooda oo ay ku raaxaystaan.waxaynu leenahay dhul quruxbadan oo ku fiican nolasha waa laynoo quuri waayay.Laga bilaabo 8.2.2017 soomaali waa guulaysatay cadawgeediina waa jabay soona noqon mayso horaybay usocotaa soomaali.

W/Q:-Yuusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com