Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Afduubka Wariye Hanad Cali Guuleed

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa si kulul u cambaareeuauay afduubka loo geystay saaka Wariye Hanad Cali Guuleed oo ka mid ah weriyaasha ka howlgala mid ka mid ah warbaahinta dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ay si weyn u cambaareynayaan afduubka loo geystay Weriye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsanaa weriyaasha Goobjoog FM.

“Aad iyo aad ayaan u cambaaraynaynaa afduubka loo geystay weriye Hanad ” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow.

Weriye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan la garanayn ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in xalay loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.